Tilmaam

Cudurada infekshanka

La cusboonaysiiyay 18 December 2024

Baaritaanka cudurada infekshanka ayaa waxaa soo jeediyey NHS.

Cudurada infekshanka

1. Ujeedada baaritaanka

Si loo ogaado haddii aad qabto hepatitis B, HIV (human immunodeficiency virus), ama syphilis. Dumarka horeba loogu ogaa inay qabaan HIV ama hepatitis B waxay u baahan yihiin ballamo hore loo samaysto oo dhakhtar takhasus ah si loo qorsheeyo daryeeelkooda uurka.

2. Ku saabsan xaaladahan

Hepatitis B iyo HIV waxaa lagu gudbiyaa dhiig iyo dheecaannada jirka ee qaab isku-tag galmo ama cirbado cudurka wata. Fayrasyadan sidoo kale waxay hooyadu u gudbin kartaa ilmaha.

Jooniska B

Fayraska Jooniska B wuxuu saameeyaa beerka. Waxay sababi kartaa caafimaad daro oo degdeg ah (degdeg ah) iyo mid joogto ah (muddo dheer). Carruurta ay ku dhacdey markay dhalayeen ama sanadka ugu horreeya ee noloshooda waxay leeyihiin fursad 9 ee 10-kiiba (90%) oo ah inay qaadaan infakshanka jooniska B. Tani waxay sababi kartaa jirrooyin sida cudurada beerka iyo kansarrada.

HIV

HIV wuxuu daciifiyaa nidaamka difaaca jirka midaas oo adkeynaysa in jirka uu la dagaallamo jeermiska. Haddii aan la daawayn, waxay hooyadu qaadsiin kartaa ilmaha waqtiga uurka, markii ay dhalayso ama markii ay nuujinayso. Daaweynta xilliga uurka waxay si aad ah u yareyneysaa fursadda ugudbinta HIV-ga ilmaha 1 ee 4-kiiba (25%) wax ka yar 1 ee 200-kiiba (0.5%).

Syphilis (waraabow)

Waraabowga waa infakshan laga qaado galmada. Waxay hooyadu u gudbin kartaa ilmaha waqtiga uurka. Haddii aan la daawayn, waxay u keeni kartaa dhibaato caafimaad aad u daran ilmaha ama soo-dilan ilmaha uurka ku jira ama ilmo mayd ahaan ku dhasha.

3. Tijaabada baaritaanka

Dhiig ayaa waxaa laga qaadayaa gacataada.

Xirfadlaha caafimaad ayaa muunad dhiig ah ka qaadaya garabka haweeneyda

Muunad dhiig ah ayaa la qaadayaa

Qadar yar oo dhiigaan ah ayaa lagu kaydinaa shaybaarka. Tani waxaa loo isticmaali karaa baaritaannada haddii aad muujisid inaad qabtid calaamadaha infakshannada kale ama finan inta aad uurka leedahay.

4. Nabadgeliyada baaritaanka

Ma jiraan wax khataro ah oo la xiriira baaritaanka.

5. Baaritaanka waa ikhtiyaarkaaga

Baaritaanada ayaa si xoog leh loogu talinayaa si loo ilaaliyo caafimaadkaaga iyada oo la isticmaalayo daaweynta iyo daryeelka xilliga hore ah. Waxay si weyn u yareynayaan fursad kasta oo infekshanka aad ugu gudbin kartid ilmaha, lammaanaha ama xubnaha kale ee qoyska.

6. Diiditaanka baaritaanka

Haddii aad go’aansato in aadan qaadanin baaritaanka, waxaa dib laguu siin doonaa baaritaan xilli dambe ee uurkaaga, caadi ahaan toddobaadka 20aad.

7. Natiijooyinka cudur la’aanta

Natiijada ah inaadan cudur qabin micnaheedu waa inaad tahay “cudur la’aan hadda”. Tani macnaheedu maaha inaad badbaado qabto inta uurkaaga kaaga harey. Naftaada ka ilaali cudurka oo u soo sheeg umulisadaada ama GP-gaaga wixii astaamo ah sida ugu dhakhsaha badan. Adiga iyo lammaanahaaga waa la idin baari karaa wakhti kasta.

Waxaanu kugula talineynaa inaad ku celisid baaritaanka haddii aad bedesho lamaanahaaga galmoodka, mukhaadaraad isticmaasho, aad tahay shaqaale galmo, aad qabto lammaane cudurka qaba, aad qabto lammaane laba jinsiyood ah ama lagaa helo cudurada galmada la iskugu gudbiyo (STI).

8. Natiijada cudur qabista

Haddii aad qabto Jooniska B waa muhiim in kooxaha takhasuska u leh ay hubiyaan caafimaadkaaga ka hor iyo ka dib dhalitaanka. Lammaanahaaga, caruurta kale iyo xubnaha qoyskaaga ee kuu dhow waxay u baahan yihiin baaritaan iyo tallaal.

Aad ayey muhiim u tahay in ilmuhu qaato dhamaan 6 tallaal Jooniska B waqtiyada saxda ah si loo ilaaliyo caafimaadkooda. Weydiiso dhakhtarkaaga, kalkaaliyaha caafimaadka ama booqdaha caafimaadka haddii mid ka mid ah kuwaani aysan dhicin. Tallaalada waa in la sameeyaa:

  • 24 gudahood xiliga dhalitaanka
  • da’ada 4 toddobaad
  • da’ada toddobaadyada 8, 12 and 16 (qeyb ka ah jadwalka caadiga ah ee tallaalada carruurta)
  • da’ada hal sano

Ilmahaagu wuxuu sidoo kale u baahan karaa cirbada unugyada difaaca (Jooniska B immunoglobin) marka ugu horreysa ee la tallaalayo.

Waxay sidoo kale yeelan doonaan baaritaanka dhiigga xilliga tallaalkooda ugu dambeeya si loo hubiyo in cudurka la laga ilaaliyey.

Haddii aad qabtid HIV waxaad si aad ah u yareyn kartaa fursadda ah inaad HIV-ga u gudbiso ilmaha iyadoo isticmaalayo daryeel caafimaad iyo daaweynta takhasuska leh, daroogo, daryeelka qorsheysan ee dhalitaankaaga, iyo inaadan naas nuujin.

Haddii aad qabtid syphilis, waxaa loo baahan yahay gudbin degdeg ah ee laguu gudbinaayokoox takhasus leh. Daawayntu caadiyan waa qaadasho antibiyootiik. Kuwani waa u amaan ilmaha. Kooxdu waxay sidoo kale siin doonaan baaritaan lammaanahaaga si loo eego haddii ay u baahan yihiin daawayn. Ilmuhu wuxuu u baahanayaa baaritaano iyo imtixaano dhiig kaddib dhalashada waxayna u baahan karaan anti-biyootiik.

9. Helitaanka natiijooyinkeyga

Haddii natiijadaada ay tahay inaadan cudur qabin, umulisadaada ayaa kaala hadli doonta. Tani waxay dhici doontaa xilliga ama ka hor ballantaada xigta qiyaas ahaan toddobaadka 16aad. Waxaa sidoo kale lagu qori doonaa diiwaankaaga.

Haddii aad qabtid HIV, Jooniska B ama syphilis, umulisada takhasus u leh ayaa kula soo xiriiri doonta si aad ballan u sameysato 10 maalmood gudahood. Waxay kaala hadli doonaan natiijada, sameyn doonaan baaritaano dheeraad ah oo waxay kula qorsheyn doonaan daryeelkaaga.

10. Ku saabsan buug-yerahan

Caafimaadka Dadwaynaha ee England (PHE) wuxuu sameeyay buug-yarahaan isagoo ka wakiil ah NHS.